Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Diyaarado Ciidamo badan sida oo saakay ka degay garoonka Diyaaradaha Dhuusomareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in saakay labo diyaarad oo ciidamo gaar ah wada ay ka dageen garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamadan saakay la geeyay magaalada Dhuusomareeb ayaa laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana ciidamadan gaarka ah loogu tala galay in ay xoojiyaan amaanka magaalada Dhuusomareeb.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamadan cusub ee saakay gaaray magaalada Dhuusomareeb ay si gaar ah ula wareegi doona amaanka garoonka diyaaradaha iyo sidoo kale xarunta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta.

Dowlada federaalka Soomaaliya ciidamo ka amar qaata ayaa hada si buuxda ula wareegay amaanka guud ee magaalada Dhuusomareeb gaar ahaan xarumaha muhiimka ah ee ku yaala magaaladaasi.

Ahlu Sunna ayaa horey uga biyo diidaneed ciidamada badan ee dowlada ku daad gureemeyso magaalada Dhuusomareeb, waxa sidoo kale kooxdaasi oo horey u maamuleysay Dhuusomareeb diidan tahay in ciidamo AMISOM ah la keeno Dhuusomareeb

Related posts

Abiy Axmed oo Hanjabaad culus hawada soo marsiiyay fariina u diray shacabka Itoobiya

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Daah furay adeega Daadejinta ee Dowladaha Hoose (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka amniga oo war cusub ka soo saaray amarkii ciidanka NISA ee garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali
Taboola Ads ---