Allbanaadir.com
NEWS

War deg deg ah: Weriye ka howlgala Muqdisho oo ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa

Mid ka mid ah weriyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa xilu uu ku sugnaa qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Weriye Maxamed ibraahim Gaabow oo ka tirsan telefishinka Kalsan ayaa la sheegay inuu ku dhintay qaraxaas loogu xiray gaariga uu watay.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in weriyaha uu dhaawac culus ka soo gaaray qaraxaas uuna ku dhintay isla goobta uu qaraxu ku haleelay, wararka qaar ayaa sheegaya in weriyuhu uu kala go’ay.

Labo caruur ah oo gaariga la saarneyd weriyaha ayaa ka badbaaday qaraxaas, waxayna wararku sheegayaan iney soo gaareen dhaawacyo fudud, iyadoo lagu daweynayo goobaha Caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Mid ka mid ah raggii weeraray Hotel SYL uu ka tirsanaa Shaqaalaha BFS?

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo ka hadlay mashaqada ka dhalatay fatahaada webiga Shabelle

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---