Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jabuuti oo lagu taageeray olalaha ay ugu jirto kursiga Afrika ee Qaramada Midoobey

Dowlada Jabuuti ayaan wali ka rajo dhigin in dowlada Kenya kaga guuleesato tartanka ay ugu wada jiraan ku guuleesiga kursiga Afrika ee ka banaan Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Kenya ayaa horey ugu guuleesatay codeyntii ay midowga Afrika u qaadeen cida ku mataleysa kursiga ka banaan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, hasa ahaatee Jabuuti ayaa markan taageero ka raadineysa Wadamada islaamka iyo wadamo kale.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa shaaca ka qaaday in uu dowladda Jabuuti oo xubin ka ah ururkaasi uu ku taageeri doono Ololaha ay Ugu jirto ku guuleesiga kursiga Afrika ee Qaramada Midoobey .

War kasoo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa  dowladda Jabuuti loogu  ballanqaaday in ay ku taageeri doonaan kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban 57-dal, waxaana taageerida wadamadan Islaamka Jabuuti gacan ka siin kartaa ku guuleesiga kursiga ay u tartameyso, Jabuuti ayaa sidoo kale taageero ka heleysa wadamo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh la wareegay Shaqadii Xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse ?

Cabdi Cade

Danjire Keating: Somalia waxay qarka u saaran tahay iney cagaheeda isku taagto dhaqaale ahaan”

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo tababaray ka hortagga qaraxyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---