Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo shacab badan kula hadlay Masjid ku yaalla Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta salaada Jimcaha boqolaal dadweyne ah kula tukaday Masaajidka suuq weyne ee Magaalada Kismaayo.

Masaajidkan ayaa la dhisay Sanadkii 1942 iyadoo dib u dhis iskaa wax u qabso ah ay ku dhiseen dadweynaha reer Kismaayo 2017kii.

Madaxweynaha ayaa salaada kadib dadweynaha kula dardaarmay in ay is cafiyaan oo Midnimada Bulshada iyo wadajirkeeda ay tahay shay qaali ah oo loo baahan yahay in la xoojiyo.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu bogaadiyay Culimada Magalada sida ay dadweynaha ugu dhiiri galinayaan kor u qaadista Barashada diinta Islaamka iyo in ay gacmaha is qabsadaan Bulshadu.

Axmed Madoobe ayaa ka mid ah saddex Madaxweyne ee 24kii saac ee la soo dhaafay loo doortay hogaanka Jubbaland, waxaana doorashooyinkan si weyn uga soo horjeesatay dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal Maxaas ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Xoogga dalka iyo Macawisley

Caydiid Ali

Cali Gacal Casir oo Bogaadiyay talaabadii uu maanta qaaday Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Maxa ka soo baxay kulan Madaxweyne Farmaajo la qaatay Wufuud ka socotay Midowga Afrika & QM? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---