Allbanaadir.com
NEWS

Cabdirashiid Xidig oo isna loo doortay in Madaxweyne ka noqdo Jubbaland (Daawo Sawirada)

Baarlamaanka Isbadal doonka ee Jubbaland ayaa goordhaw doorasho ay ku qabteen magaalada Kismaayo waxa ay Madaxweynaha maamulka Jubbaland ugu doorteen Cabdirashiid Maxamed Xidig .

Doorashadan oon si toos ah loo daawaneyn ayaa Xildhibaanada isbadal doonka ah ugu codeeyeen in Madaxweynaha Jubbaland uu noqdo Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ahaa musharaxiinta kasoo horjeeday dib u doorashada Axmed Madoobe.

Doorashadan ayaa soo dhamaatay kahor inta aan la shaacin natiijada doorasho kale oo isna ku guuleestay Sheekh Axmed Madoobe oo horey loo filayay in uu isna kusoo baxayo doorashadan.

Magaalada Kismaayo ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu doortay labo Madaxweyne uu yeelanayo maamulka Jubbaland, lamana oga sida uu ku dambeyn doonto xaalada magaalada Kismaayo oo maanta lagu doortay labo Madaxweyne oo isdiidan.

Waxii Warar ah ee soo kordha kala soco Wararkaaga Dambe Insha Allah

 

Related posts

R/W Rooble oo tilmaamay jidka kaliya ee Soomaaliya ku gaari karto horumar

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo muhiim ah kala hadlay dhigiisa Jabuuti

Cabdi Cade

Dowlad howlgelisay 100 kun oo askari, sababo la xiriira bandowga COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---