Waxaa saakay lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ay ka dhacdo doorashada lasii wada ogyahay natiijada kasoo baxeysa iyo waliba cida ku guuleesaneysa.
Doorashada saakay ayaan aheyn mid xiiso badan leh oo dhagaha loo taagayo, waxaana qof kasta uu ogyahay in doorashada kusoo baxayo Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday Axmed Madoobe oo isagu mar kale agaasintay doorashadan dhaceysa.
Amaanka goobta doodarashada ka dhaceyso iyo guud ahaan magaalada Kismaayo ayaa saakay la adkeeyay, waxaana magaalada lasoo dhigay ciidamo aad u badan oo ka amar qaata Sheekh Axmed Madoobe.
Magaalada Kismaayo waxaa saakay ka jira xaalad bandow u eg, waxaa inta badan saakay xiran goobaha ganacsi , waxaa sidoo kale saakay aad u yar dhaq dhaqaaqa ay sameenayaan dadka ku dhaqan magaalada.
Doorashada aan xiisaha laheyn ee maanta ka dhaceysa magaalada Kismaayo waxaa Axmed Madoobe kula tartamaya sadex musharax oo midi haweeney tahay, mana ahan musharaxiintan kuwa miisaan iyo saameyn badan leh.
Wareega ugu horeeya ee doorashada ayaa laga yaabaa in lagu kala baxo , waxaana dadka siyaasada falanqeeya aaminsan yihiin musharaxiinta la tartameysa Sheekh Axmed Madoobe in isagu malxiis ahaan u keensaday.
Dhinaca kale Musharaxiinta mucaaradka ee Isbadal doonka ayaa dhankooda shaaciyay in iyana maanta doorasho ay Madaxweyne ku dooranayaan ku qabanayaan magaalada Kismaayo, lama oga doorashadaasi sida ay ku dhaceyso iyo cida kusoo baxeysa.
Beesha Caalamka ayaa ka digtay in khalalaaso iyo rabshado dhaliyaan doorashooyinka maanta ka dhacaya magaalada Kismaayo, waxaana jirta cabsi laga qabo in magaalada isku dhacyo ka dhacaan.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha doorashada Kismaayo kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah