Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sudan oo Madaxweynahe KMG loo dhaariyey afar bilood ka dib xukunkii Al-Bashiir

Hogaamiyaha militariga Suudaan, Jen. Cabdelfataah Burhan ayaa maanta loo dhaariyay madaxweynaha dowladda ku meel gaarka ah ee Suudaan.

Talaabadan ayaa imaaneysa iyadoo in ka badan afar bilood kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii Suudaan, Cumar Al Bashiir oo dalkaas ka talinayay ku dhawaad 30 sanno.

Waxaa uu hogaamin doonaa golaha maamulka sare oo ka kooban lix qof oo rayid ah oo ka socda dhinaca mucaaradka iyo afar sarkaal oo militari ah saddexda sanno ee socota.

Sidoo kale xubanaha kale ee ka tirsan dowladda ku meel gaarka ah ayaa maanta xilka loo dhaariyay kaddib munaasabad lagu qabtay aqalka madaxtoyada ee Suudaan.

Dhaarinta hoggaamiyeyaashan ayaa imaaneysaa xilli dhawaan mucaaradka iyo militariga ay wada gaareen heshiis lagu dhisayo dowlad kumeel gaar ah.

Waxaana sidoo kale lagu wadaa in lasoo dhiso golaha wasiirada oo uu hogaamin doono ra’iisul wasaare cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowlada oo howl gal hub lagu soo qabtay ka fuliyay guriga Cabdirashiid Janan

Cabdi Cade

Meydka taliye Maxaadey oo la diiday in la aaso iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

War Saxaafadeed laga soo Xafiiska Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---