Jaamacadaha SIMAD iyo Jamhuuriya ayaa si wadajir ah magaalada Muqdisho uga daahfuray climi baaris looga hadlayo fahamka iyo Horumarinta Tiknolojiyada, taasoo socon doonta muddo labo cisho ah.
Waxaa Munaasabadan ka qeyb galay madaxda Jaamacadaha dalka qaarkood, ardayda bartay Cilmiga Tiknolojiyada, aqoonyahano, bulshada rayidka iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Jaamacada Jamhuuriya Eng. Maxamed Axmed Maxamed iyo dhigiisa Jaamacadda SIMAD Daahir Xasan Caraayaa ugu horeyn ka hadlay muhimada ay xambaarsan tahay cilmi baaristan oo ay sheegeen iney tahay mid sanad walba ay qabtaan labada Jaamacadaood si loola jaanqaado heerka caalamiga ah ee tiknolojiyada caalamka ay mareyso.
“Waxaa mar kasta cilmi baarista noocan ah aanu xoogga u saareyno waxay tahay aduunyada waxay noqotay in wax walba loo isticmaalo tiknoloji, anaguna maadaama aanu caalamka ka mid nahay waxaan ku qasban nahay inaan la jaanqaadno” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacada SIMAD.
Sidoo kale Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya ayaa isna sheegay in labada Jaamacadood ay sii wadi doonaan iskaashiga la xiriira qabasahada cilmi baarisyada noocan ah isagoo u mahad celiyey dhammaan intii gacanta ku siisay qabashadiisa.
Waxaa sidoo kale munaasabadaas ka hadlay madaxda Jaamacadaha dalka qaarkood, masuuliyiin ka tirsan shirkadahga Isgaarsiinta, aqoonyahano iyo xubno kale oo ku dheedaaray faa’iidada ay cilmi baarisyada noocan ah u leeyihiin shirkadaha iyo heyadaha kala duwan ee dalka ka howlgala.
Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Soomaaliya Feysal Cumar oo gebagebadii munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradu soo dhoweyneyso kulamada iyo cilmi baarisyada noocan ah ee lagu horunmarinayo heerarka aqoonta, isagoo ugu baaqay madaxda Jaamacadaha iyo aqoonyanada iney sii kordhiyaan dedaalkooda.
Waa Sanadkii 3aad ee Jaamacadaha Jamhuuriya iyo SIMAD oo iskaashanaya ay magalada Muqdisho ku soo bandhigaan cilmi baaris ku saabsan horumarinta iyo fahamka tinknolojiyada, kuwasoo wax badan laga kororsaday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com