Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wafdigii Qatar ee Muqdisho booqday oo Kenya kula kulmay Monica Juma (Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha ku-xigeenka Qatar, ahna Wasiirka arrimaha dibeda ee Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabduraxmaan Al-Thani ayaa waxaa uu dalka Kenya kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma.

Sheekh Maxamed ayaa Kenya kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeyo Kenya iyo Qatar qodobo kale.

Qoraal ay barta Twitter-ka soo gelisay wasiirka arrimaha dibadda Kenya waxay ku sheegtay qodobada ay ka wada hadleen labada dhinac.

“Waxaan dib u eegis ku sameynay xiriirkeena isla markaasna waxaa xusnay horumarada aan gaarnay, waxaan isku waafaqnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal gaar ahaan arrimaha gobolka iyo caalamka” ayey tiri Juma.

Booqashada ra’iisul wasaare ku-xigeenka Qatar ayaa kusoo beegmeysa xilli dhawaan magaalada Muqdisho uu kulan kula yeeshay ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo ay ka wadahadleen sidii sare loogu qaadi xiriirka iskaashi ee kala dhexeeyo Qatar, isagoo shaaca ka qaaday inay bilaabeyso mashruuca lagu dhisayo dekedda magaalada Hobyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Muuqaal ah oo lahaayeen Xildhibaano oo la jabsaday laguna baahiyay Anshax xumo !!

Cabdi Cade

Madasha Xisbiyada Qaran oo goordhaw soo saartay War Saxaafadeed Xasaasi ah (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo maka adkaaday dowlada Kenya mise ? (Falanqayn)

Cabdi Cade