Allbanaadir.com
NEWS

Inta badan ciidankii maanta galay xarunta Baarlamanka Somalia oo xabsiga la dhigay

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa shaaciyey in ciidamaddii milateriga ahaa ee saaka hubka la galay Xarunta Golaha Shacabka intooda badan la soo xiray.

Gorod ayaa sheegay iney bilowdeen baaritaano lagu sameynayo ciidankaas, kuwaasoo ay wadaan ciidamada amaanka.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka ay ku raad joogaan Ciidan dhar cad ah oo la socday Ciidanka gudaha u galay xarunta golaha Shacabka.

“Dabagalka ciidankii maanta galay golaha shacabka waa socdaa, askartii dareyska milateriga watay dhamaantood waa la soo qabtay, baaritaan baana ku socda, waxaan hadda raad kooda ku joognaa ciidankii dharcadka ahaa” ayuu yiri taliye Gorod.

Guddoomiye Jawaari iyo ku-xigeenkiisa labaad ayaa saaka ciidamo fara badan oo aad u hubeysan la tagay xarunta golaha shacabka, kuwaasoo khal-khal iyo xiisad ka abuuray halkaas, isla markaana sababay in xildhibaanadu ay baajiyaan kulankii ay yeelan lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump iyo Amiir Max’ed Bin Salmaan oo lagu riday xukun dil ah

Caydiid Ali

Koronto la’aan baahsan oo soo wajahday dal ka tirsan Yurub ka dib markii..

Caydiid Ali

Afduub salka ku haya dilkii Ikraan Tahliil oo bilowday iyo Digniino laga soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---