Allbanaadir.com
NEWS

Degmo kutaala Muqdisho oo laga daah furtay diinwaan galinta aqoonsiga guryaha (Sawirro)

Waxaa maanta xarunta degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir lagu daahfuray barnaamij cusub oo lagu hirgalinayo diinwaan galinta aqoonsiga guryaha kuyaala degmadaasi.

Siihayaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Ibraahim Cumar Mahad-Alla (Ibraahim Dheere)  ayaa maanta si rasmi ah xarunta degmada Xamar Jajab uga daahfuray barnaamij uu maamulka degmadaas ku hirgalinayo diinwaan galinta aqoonsiga guryaha.

Barnaamijkan laga hirgaliyay Xamar Jajab ayaa ah mid lagu xoojinayo diiwangalinta iyo diriseenta, waxaa sidoo kale loogu tala galay in dhisma kaste oo dagmadaasi ku yaala loo sameeyo diiwaangalin sax ah iyo sidoo kale taargo lagu aqoonsan karo.

Guryaha kuyaala degmooyinka gobolka Banaadir ayaan laheyn diiwaan galin sax ah iyo calaamad lagu aqoonsan karo, waxaana barnaamijkan cusub hadii si rasmi ah looga hergaliyo gobolka wax badan ka badaleyaan aqoonsiga guryaha kuyaala Caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Loolan adag oo ka taagan doorashada kuraas taalla Baladweyne

Caydiid Ali

Masuul uu Xoghayaha guud ee QM u magacaabay Somalia oo Muqdisho yimid

Caydiid Ali

Madaale oo dhagax-dhigay dhismaha xafiiska mashruuca Nagaad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---