Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Bayle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arimo badan oo dhinaca dhaqaalaha quseeya oo ay kamid tahay soo daabicida lacagta shilinka Soomaaliga.
Wasiirka ayaa sheegay in wali dadaal ugu jiraan sidii loo soo daabici lahaa lacagta shilinka Soomaaliga, waxa uuna xusay in lacagta dalku leeyahay ay kamid tahay astaanta qaran uu dal walbo leeyahay
Waxa uu xusay in daabacada lacagta shilinka Soomaaliga u baahan tahay lacag gaareysa 42 milyan oo dollar, waxa uuna cadeeyay wasiirka in dowladu hada heyso kala bar lacagtaasi ayna ka go’antahay sidii loo soo daabici lahaa lacaga Shilinka Soomaaliga.
Wasiirka ayaa ku adkaatay in uu Warbaahinta u sheego waqtiga rasmiga ah ee lacagta shilin Soomaaliga lasoo daabacayo, waxa uuna shaaciyay in uusan sheegi karin waqiga ka dambeysta ah ee lacagta lasoo daabacayo.
Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan shaacisay in lasoo daabacayo lacag cusub oo shilin Soomaali ah, hasa ahaatee wali ma jirto dowlad ka miro dhalisa balan qaadkeeda ku aadan soo daabacida lacagta cusub.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com