Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano badan oo Saxiixay Mooshin ka dhan ah damaca dowlada Kenya 

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku mashquulsan diyaarinta mooshin ka dhan ah dowlada Kenya gaar ahaan ciidankeeda ku sugan gudaha Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Mooshinkan ayaa waxaa wada Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka careesan habdhaqanka dulmiga ku dhisan ee wado dowlada Kenya, waxa ayna Xildhibaanadan doonayaan in Kenya ciidankeeda kala baxdo gudaha Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ay saxiixeen mooshinka ka dhanka ah dowlada Kenya, waxa uuna xusay in mooshinkaasi ay saxiixeen tiro badan oo Xildhibaano ku filan ah.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Dalxa in Mooshinkan Baarlamaanka la horgeyn doono marka uu furmo kalfadhiga Baarlamaanka bisha soo socota ee September, waxa cadeeyay Xildhibaanka in marnaba ogolaan doonin damaca dhulka boobka ee Kenya wado.

Dowlada Kenya ayaa wado qorshe ay ku dooneyso in ay ku boobto biyaha iyo bariga Soomaaliya, waxa ayna Kenya sidoo kale faragalin ku heysaa arimaha Siyaasada Soomaaliya gaar ahaan doorashada hada ka socota Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Haween garsoore ka ahaa Maxkamad sare oo saakay toogasho lagu dilay (Sawirro)

Cabdi Cade

Bandhig Saddex cisho socday oo Jaamacadda Benaadir lagu soo gebagebeeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Madaxda dalka ugu sareysa oo ka qeyb gashay Munaasabad casho sharaf ah oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---