Allbanaadir.com
NEWS

Burcad dhibaato badan ku haya shacabka kunool xaafado katirsan Degmada Dayniile

Burcad hubeesan oo mararka qaar xiran dareeska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa dhibaato xoogan ku haya shacabka ku dhaqan xaafado katirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Kooxahan burcada ah oo ku hubeesan biskoolado iyo qoryo ayaa xiliyada qaar isticmaala mooto Bajaaj halka mararka qaarna xaafadaha ku lugeeya, waxa ayna burcadan dhac u geestaan dadka shacabka ah ee arkaan iyaga oo ka qaata moobeelada.

Xaafadaha ugu daran ee burcadan dadka ku dhacaan habeenadii lasoo dhaafay ayaa lagu sheegay Xaafada Raadeelka iyo xaafado kale oo ku dhaw dhaw, waxa ayna burcada dad badan kaga qaateen moobeelo halka dadka qaarna ka dirsadaan lacagta mobelka ugu jirta.

”Markii hore amni la isku haleyn karo ayaan heesanay, moobeelada wadooyinka ayaan isaga isticmaali jirnay, hada xaalku waa isbaday cid moobeel soo qaadan karta malahan cabsi darteed, mobeel dhacow kaliya xitaa mahan lacagta ayaa marka hore lagaa dirsanaa kadibna mobelka lagaa sii qaadanaa” ayuu yiri mid kamid dhalinyarada Dayniile.

Qaar kamid ah Dhalinyarada Dayniile ayaa la sheegay in habeen hore ku guuleesteen in ay eryadaan gacanta kusoo dhigaan mid kamid ah buracada dhaca u geesta, waxaana ninkan oo sheegay in askari yahay ku xiran yahay saldhiga booliiska Dayniile.

Burcadan ayaa kusoo badatay degmada Dayniile kadib markii ciidamo booliis ah oo horey uga howlgalayay waaxyaha degmadaasi ay iska tageen, lamana oga sababta booliiska u gabeen shaqadii loo igmaday.

Degmada Dayniile ayaa kamid aheyd degmooyinka ugu amaanka badan magaalada Muqdisgo, waxaana degmadan horey aan looga aqoon burcada dadka dhaca iyo dhibaatooyinka kale u geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Galmudug iyo Hirshabelle oo go’aan cad ka soo saaray muddo kororsiga Farmaajo

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Arrimo kala duwan kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Waddamada G7 oo boggaadiyay horumarada Dowdda Soomaaliya ku tallaabsatay

Cabdi Cade