Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Trump oo laga diiday in laga iibiyo Jaziirada Greenland kana carooday go’aankaas

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa baajiyay kulan gaar ah oo la qorsheeyay in in isbuuca soo socdo uu la qaato  Ra’iisal Wasaaraha dalka Denmark Mette Frederiksen.

Baaqashada kulanka Ra’isul Wasaaraha Denmark iyo Madaxweyne Trump ayaa sabab looha dhigay kadib markii Mette kahor timid qorshe Mareykanka ku doonayay in uu ku iibsado Jaziirada Greenland.

“Denmarka waa dal gaar ah oo dad wanwanaagsan leh, hase yeeshee, maaddaama Ra’iisal Wasaare Metter Frederiksen ayna daneynin in ay ka hadasho inaan Greenland iibsano, xilli kale ayaan dib ugu dhigayaa kulankii noo qorsheysnaa ee labo toddobaad ka dib dhici lahaa.” ayuu yiri Madaxweyne Truump.

Trump ayaa xiliyadii dambe ka hadlayey fikradda in Maryakanku uu dalka Denmarka ka iibsado dhulka Greenland. Axaddii toddobaadkan ayuu sheegay in Denmark ay dhulkaas leedahay, Maryakanka iyo Denmarkna ay xulufo wanaagsan yihiin.

Madaxda dawladda Denmark ayaa durbadiiba ka jawaabay oo sheegay in jasiiraddu ayna iib aheyn, waxa ayna taasi ka careesiisay dowlada Mareykanka oo mudo dooneysay in ay iibsato Jaziira Greenland .

 

Related posts

Dilal dad badan ka naxeen oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Heshiis horumarineed oo haldoorka Soomaalida dhexdooda laga dhigo ayaa hortebin u leh dowladda cusub

admin

Saciid Ciise: “Ma waxaan u dabaaldegnaa Waqooyi iyo Koonfur kala tegey”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---