Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo casho sharaf u sameeyey Xildhibanada cusub ee Jubbaland (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa casho sharaf u sameeyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, isagoo hadal uu ka jeediyey ka dalbaday iney codkooda siiyaan.

Munaasabadan oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Kismaayo ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay gudoonka Baarlamanka Jubbaland iyo masuuliyiin kale.

Axmed Madoobe ayaa maanta ka mid ahaa musharaxiintii Baarlamanka Jubbaland ka hor jeediyey barnaamijkooda siyaasadeed ee ay doonayaan in lagu doorto.

Doorashada Madaxweynaha cusub ee Jubbaland ayaa lagu wadaa iney Kismaayo ka dhacdo 22 bishan oo ku beegan Maalinta Khamiista ah ee soo socota sida uu horey u sheegay guddiga doorashada.

Musharaxiin ka horjeeda Axmed Madoobe oo dhowaan Kismaayo ka sameeyey baarlaman kale ayaa sheegay iney iyagana isla Khamiista dooranayaan Madaxweyne kale.

Dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa horey u shaaciyey ineysan taageeri doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada Kismaayo haddii aan la fulin qodobo ay soo jeediyeen in doorashada lagu dabaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Guddoomiyaha Baarlamannka iyo Ex-RW Rooble oo dalka ka ambabaxay

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho iyo Xildhibaan kaa badbaaday

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo howlgal ku dilay in ka badan 25 xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---