Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Axmed Madoobe oo Khudbad u jeediyay Baarlamaanka Jubbaland (Daawo Sawirada)

Musharaxa Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Musharaxiin kale oo doorashada isku diiwaan galiyay ayaa maanta khudbad u jeediyay  Baarlamaanka Jubbaland.

Musharaxiinta ayaa Baarlamaanka aan heysan kalsoonida Dowlada federaalka iyo Beesha Caalamka ka horjeediyay khudbado ay kusoo bandhigayeen waxqabadkooda hadii loo doorto xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ee Waqtigiisu dhamaaday Axmed Madoobe oo mar kale xilka u tartamaya ayaa Baarlamanaka ka hor sheegay in waxyaabo badan u qabsoomeyn intii uu xilka Madaxweynaha Jubbaland hayay.

Waxa uu balan qaaday mar kale Axmed Madoobe in waxqabad muuqda la imaan doono gaar ahaan xoreynta deegaanada maamulkiisa ka maqan hadii Baarlamaanka maamulka Jubbaland xilka u doortaan afarta sano ee soo socota .

Doorashada shakiga la galinayo xalaalnimadeeda ayaa waxaa ku tartamaya afar Musharax uu garwadeyn u yahay Axmed Madoobe, waxaana jiray labo Musharax oo maanta shaaciyay in ay tanaasuleen, iyadoona doorashada ay dhaceyso 22-ka bishan.

Musharaxiinta isbadal doonka ayaa dhankooda kasoo horkeeda doorashada iyo Baarlamaanka uu sameestay Axmed Madoobe, waxa ayna Musharaxiintan iyana sameesteen Baarlamaan iyadoona la filayo in dhankooda Madaxweyne doortaan.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda doorashada ka socota magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale doorashadan shaki badan galiyay Beesha Caalamka oo marar badan baaq kasoo saartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo sheegay in xukuumadiisu soo nooleyneyso afar arrimood (Sawirro)

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Taliye Saadaq Joon oo xilka laga qaaday iyo Taliye cusub oo lagu bedelay

Cabdi Cade

Ciidamada Itoobiya oo toogasho ku dilay askari ka tirsan Booliska Somaliland & qof shacab ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---