Guddiga Doorashada iyo Guddoonka cusub ee Baarlamanka Jubbaland iyo ayaa isku raacay in Baarlamanka lagu wareejiyo hoggaaminta Howsha doorashada hogaanka maamulkaas ka dib kulan ay manta ku yeesheen Kismaayo.
Qoraal kulanka ka dib uu soo saaray guddiga ayaa lagu sheegay in Baarlamaanka lagu wareejiyay howsha doorashada Madaxweynaya oo dhici doonto 22 bishan, iyagoo dhinaca kale xusay in aanan waxba laga bedeleyn habraacyada doorashada.
Talaabadan ayaa qeyb ka ah dhaqan gelinta talooyinkii Beesha caalamka ay u soo jeediyeen guddiga doorashada Jubbaland.
Hoos ka akhriso qoraalka
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com