Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Guddi khilaaf ka dhex abuuray Madaxda sare ee Puntland oo la dhaariyey (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa manta hortiisa lagu dhaariyey Guddiga Ku meel-gaar ka ah ee Doorashooyinka Puntland oo maalmo ka hor uu magacaabay.

Dhaarta kadib Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ku baraarujiyey xubnaha Guddiga inay sugayso shaqo muhiim ah oo kamid ah Axdi Qarameedkii Puntland lagu dhisay, taasi oo ah in dalka la gaadhsiiyo doorasho dimuquraadiya oo hal qof iyo hal cod ah.

“Sharaf weyn bay ii tahay inaan maanta goobjoog ka ahaado dhaartiina, waxay tusaale u tahay sida Dowladda Puntland ay uga go’antahay in dalkan marxalad doorasho uu galo, balanqaadkeena ayay ka mid ahayd, iyadoo hawlo farabadan ay dalka yaaliin, hadana wakhti aad u badan ayaan siinay sidii gudigan uu u dhismilahaa, waxaan marka ugu horaysa u mahadcelinayaa Guddoonka Baarlamaanka sida dastuurku uu qabey, iyagoo la-tashiyo sameeyey inay soo gudbiyaan xubnaha dastuurku uu u ogolaaday ee Afarta ah.”

“Sidoo kale Madaxtooyada la-tashi badan oo dhaafsiisan cid walba oo waxgarad ah oo reer Puntland ah anagoo eegayney marxaladdan cusub dadka ku haboon, xeerinayneyna habka uu guddigani u shaqayn karo, la-tashigaa wakhti badan buu naga qaatay runtii, Alle ayaan uga mahadcelinaynaa taladaas kadib inuu go’aankii idinka noqday, anaga dedaal ayaa nafaran, Alle ayaa idiin-gartay inaad ka mid noqotaan, maantana Alle hortii ayaad u dhaarateen inaad masuuliyaddaas qaadaan” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Deni ayaa Guddiga u xaqiiyey inaanay dhanka dowladda kaga imaan-doonin duruufo siyaasadeed oo caqabad ku noqda shaqadooda.

“Duruufaha imaan doona ka warami maayo oo cilmi qayb ma ihi, waxaan cadaynayaa duruufo siyaasadeed oo dowladda ka yimid inaanay caqabad ku noqon doonin doorashada, wixii kale idinkaa u joogi doona, waxaan kaloo ku kalsoonahay maanta iyo shalay inay kala duwan tahay oo dadku maanta u bisil yahay nidaamka dimuquraadiga ah, waxaana daliil u ah doorashadii dhowayd qaybo ka mida qabaa’ilada doorasho ayay ku soo xuleen xildhibaanadooda halkii uu hal qof qori lahaa”. Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddiga u xaqiijiyey in dowladdu wajibaadkeeda iyo taaggeeradeeda shaqo, dhaqaale iyo taloba diyaar ula tahay, waxaana uu xusay in iyagana laga rabo shaqo hufan oo wakhtiyaysan, isla markaana waxa uu tilmaamay inay sida ugu dhakhsiyaha badan u qabtaan Doorashooyinka Dowladdaha Hoose, talo iyo shaqo badan kadib.

Munaasabada dhaartan ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo ka soo horjeestay qaabka uu Madaxweyne deni u magacaabay guddiga oo uu sheegay iney baal marsan tahay dastuurka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada DF iyo kuwa Deegaanka oo isaga baxay Deegaanka Qaayib iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Soomaali xabsi 19 sano ah ku muteystay arrimo la xiriira Jaceyl iyo Maseyr

Caydiid Ali

DEG DEG: Trump oo ka badbaaday isku day dil (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---