Allbanaadir.com
NEWS

Dib u dhis ku socda Garoonka Muqdisho iyo Masuuliyiin kormeeray (Daawo Sawirada)

Waxaa dib u dhis ka socdaa garoonka Stadium Muqdisho oo mudo sanado badan bur bursanaa sidoo kale soo noqday xeryo ciidan ay degaan Ciidankii Itoobiyaanka iyo sidoo kale Ciidamada AMISOM.

Garoonka oo dib loogu soo celiyay gacanta dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu bilaabay dib u dhis xoogan, waxaana la filayaa in garoonka dib loogu bilaabo ciyaarihii kala duwanaa ee lagu qaban jiray marka uu dhismaha soo dhamaado.

Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta kormeer ay ugu kuur galayeen dhismaha ka socda Garoonka ku tagay, waxa ayna dib u dhiska garoonka ka wareesteen injineerada gacanta ku haya dib u dhiska garoonka Stadium Muqdisho

Garoonka Muqdisho Stadium ayaa ah garoonka ugu weyn Soomaaliya, waxaana garoonkan oo qeybo badan ka kooban la filayaa in sanado badan kadib dib loogu ciyaaro ciyaarihii kala duwanaa ee lagu qaban jiray xiligii dowladii Dhaxe .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kaalintee Somalia ka gashay qiimeynta dalalka ugu khatarta badan dunida?

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo Tababar loogu soo xiray Turkiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Baaritaanka ku socda Madaxweyne Trump oo marxalad cusub oo xasaasi ah galaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---