Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg ah: Taliyaasha Ciidanka dowlada oo Shir Jaraa’id qabtay kana hadlay Ciidankii Jawaari uu ….

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay Taliyaasha ciidanka Nabad Sugida, Milatariga , Booliiska iyo Asluubta, waxa ayna ka hadleen ciidankii maanta la sheegay in ay la wareegeen xarunta Golaha shacabka.

Taliyaasha ayaa shirkooda jaraa’id ku sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya iyo kuxigeenkiisa labaad ee xadgudub ku sameeyeen laamaha amaanka ayna ciidamo hubeesan aan la isla ogeyn la galeen xarunta golaha shacabka.

Waxa ay sheegeen Taliyaasha in Gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa ciidamo ay wateen xoog ku galeen xarunta Baarlamaanka khal khalna abuureen, waxa ayna xuseen in ciidan xiran dareeska Milatariga balse aan la aqoon halka ay ka tirsan yihiin xarunta lala galay.

Taliyaasha ciidanka dowlada ayaa sheegay in baaritaano lagu sameenayo Ciidamadan hubeesan ee maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ku qabsaday xarunta Golaha Shacabka.

Shirkii la filayay in ay yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta baaqday kadib markii la sheegay in xarunta golaha shacabka la wareegeen ciidamo hubeesan oo ka amar qaata Gudoomiyaha mooshinku ka yaalo ee Jawaari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Habraaca doorashada labo ka mid ah kuraasta Hirshabelle oo la soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu RW Xamse Barre kala hadlay danjire Mike Nithavrianakis?

Caydiid Ali

Deg Deg: Ciidanka NISA oo qabtay guddoomiyihii hore ee Dharkeenley oo ku biiray Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---