Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Guddiga doorashada Jubbaland oo kordhiyey xiliga isdiiwaangelinta Musharaxiinta

Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa kordhiyey waqtiga isdiiwaan gelinta Musharaxiinta aan weli isdiiwaan gelin sida ku xusan qoraal ka soo baxay Guddiga oo loo diray wakiilada beesha caalamka.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in muddo saddex maalmood loo qabtay Musharaxiinta mucaaradka inay isku diiwaan geliyaan, waxaana dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo dhici laheyd 19-ka bishan waxaana loo qabtay doorashada xili cusub oo ku beegan 22-ka bishan.

Xiliga 3da cisho ah ee loo qabtay iney isku diiwaan geliyaan Musharaxiinta ka soo horjeeda Axmed Madoobe ayaa ka bilaabaneya 17-ka bishan oo maanta ku aadan wuxuuna ku egyahay 19-ka isla bishan.

Dhinaca kale waxaa weli sidoodii u taagan shuruudihii horay Guddiga u soo saaray ee lagu xiray Musharaxiinta kuwaasoo ay ka mid yihiin ka tanaasulida xubnaha xilalka haya, xiliga degenaanshaha oo laga rabo in Musharaxa uu labo sano ka badan dalka joogo iyo in aanu Xaas Ajnabi ah qabin, waxaana shuruudahan cabasho xoogan ka keenay musharaxiinta qaar oo aan buuxin Karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo War ka soo saartay dadkii laga soo Masaafuriyey Laascaanood

Caydiid Ali

Galmudug oo beenisay qoraal caawa lagu faafiyey Warbaahinta dowlada Somalia

Caydiid Ali

Ciidamada amniga oo Muqdisho ku xir xiray ganacsato Kaamirooyinka CCTV …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---