Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi ku eedeeyay Dowlada federaalka in Khilaaf iyo kala qeybin ku wado Galmudug

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dhaliilay qaabka loo wajahayo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug.

Waxa uu sheegay Siyaasiga in uu arkay qoraal kasoo baxay Xukuumada oo lagu sheegayo in shirka soconayo mudo 5-maalin ah, waxa uuna xusay in shirkaasi umuuqdo siminarraadii ay hay’adaha NGO-yada ah qaban jireen oo kale.

”Waxaan arkey qoraal ka soo baxay xukuumadda oo la leeyahay waa ajandihii shirka dib- u heshiisiinta Dhuusamareeb oo muddo 5 maalin ah soconaya. Wuxuu u muuqdaa siminarraadii ay hay’adaha NGO-yada ah qaban jireen. Waxaa is waydiin leh iyadoo ay beelo 11 kii ka mid maqanyihiin, kuwo kale oo Hobyo ku shirayana ay codsadeen in dib loogu dhigo shirka si markii koodu soo idlaado uga qaybgalaan, waa ayo beelaha shirka loo furayo, xaggeese loo cararayaa? Siminaar dad meelo laga soo uruuriyey waa loo qaban karaa, laakiin shir dib u heshiisiin wuxuu u baahanyahay beelihii la heshiisiin lahaa, la xaddido baaxadda qodobbada laga heshiinayo iyo marjic khilaafka loo celiyo.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakiir Warsame ayaa sidoo kale sheegay in dowlada federaalka Soomaaliya ay wali wado kala qeybinta iyo khilaafka Galmudug.

Xukuumada Soomaaliya ayaa garwadeyn ka ah shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug oo dhawaan la filayo in si rasmi ah uga furmo magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun lagu riday Nabadoon Damiinan jiray Daacish iyo labo nin oo kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Madax ka tirsan dowlada Somalia iyo Maamulka Somaliland oo afka iska weeraray (Video)

admin

Fursad qaaliya: Dugsiga Amiin Quran Online oo arday cusub qaadanaya 2022*

Cabdi Cade