Qaar kamid ah Musharaxiinta isku diiwaangalisay Doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa si adag uga hadlay in fursad kale la siiyo Musharaxiinta Madaxweyne aan wali isdiiwaangalin.
War Saxaafadeed ay soo saareen Musharaxiintan ayey ku sheegeen in ay ku xun yihiin in guddiga doorashada ee maamulka Jubbaland aysan latashi kala sameyn geeddi socodka iyo habraaca doorashada.
Musharaxiintan ayaa sidoo kale kasoo horjeestay in dib loo furo diiwaan galinta Musharaxiinta oo horey usoo xirmatay fursadna la siiyo Musharaxiinta isbadal doonka ah ee aan wali isdiiwaan galin.
Halkan ka Akhriso War Saxaafadeed ay soo saareen Musharaxiintan
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com