Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiis ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Somalia (Sawirro)

-Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ammaanay guulaha xooggan ee ciidamada xoogga dalku kasoo hooyeen furimaha dagaalka iyo howl-gallada kale ee lagu baacsanayo al-shabaab.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisaka XFS oo ka war bixiyay kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in goluhu uu si gaar ah u bogaadiyay guulaha ay ciidanku kasoo hooyeen dagaalkii degmada Awdheegle iyo jabka ay gaarsiiyeen argagaxisada.

Intii uu shirku socday ayaa golaha wasiirradu waxa ay ansixiyeen is-afgarad u dhexeeya wasaaradaha Shaqada ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Golaha wasiirrada ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay saameynta dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed uu ku yeelanayo qaraarka tirsigiisu yahay 1267 ee hor yalla golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin lagu helay in uu ku lug lahaa Weerarkii Jaamacada Gaarisa oo Xabsi isku dhax dilay

Cabdi Cade

Digniin laga soo saaray Banaan baxa uu fasaxay Wasiirka amniga kana soo horjeesteen G/Banaadir

Cabdi Cade

Nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo weerar ku qaaday xarunta Maxkamadda sare …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---