Allbanaadir.com
NEWS

Mid ka mid ah Shirkadaha ugu waaweyn ee sameeya caanaha oo war naxdin leh soo saartay

Shirkadda Faransiiska laga leeyahay ee Lactalis ee samaysa caanaha carruurta ayaa amartay in dib loogu soo celiyo caanaha ay soo saareen meeshay doonaanba caalamka haka yaalaane, iyaga oo ka cabsi qaba inay ku jirto bakteeriyada wax qudhmisa ee Salmonella.

Wasaaradda caafimaadka ee Faransiiska ayaa sheegay in ay 26 carruur ah oo dalkaas ku nool ay xannuunsadeen horraantii bishii Disembar.

Dib u soo celinta ayaa saamayn doonta caanaha loo suuq geeyay Britain, Shiinaha, Pakistan, Bangladesh iyo Suudaan.

Waxay saamaynaysaa boqolaal caano daqiiq ah oo dunida loo suuq geeyo iyagoo kala ah noocyada Milumel, Picot iyo Celi.

Michel Nalet oo ah afhayeen u hadlay shirkadda ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ku dhawaad 7,000 oo tan oo wax soo saarkooda ah ay wasakhoobeen, laakiin shirkaddu aysan wali awoodin in ay sheegto inta la isticmaalay ama xaddiga wali suuqyada yaalla.

Lactalis ayaa rumaysan in bakteeriyada salmonella ay ka soo raacday dhisme ay leedahay shirkadda oo ku yaalla magaalada Craon ee waqooyiga-galbeed ee Faransiiska, dhismahaas ayayna ku qalajinaysay caanaha daqiiqda ah.

Dhammaan caanihii lagu sameeyay halkaas tan iyo bartamihii bishii Feebaraayo ayay shirkaddu dalbatay in loo soo celiyo waxayna qaadday tallaabooyin dheeraad ah oo ay mashiinada kaga dilayso bakteeriyada.

Warkan naxdinta leh ee ka soo baxay shirkadda lactalis ayaa naxdin iyo walaac ku abuuray kumanaan qoys oo caruurtooda siiya caana soo saarto shirkadaas, iyadoo qoysaska illaa hadda ka war helay arintan ay joojiyeen iney caruurtooda siiyaan caanaha shirkaddan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Siyaasiyiin & Xildhibaano Mucaarad ah oo NISA ku tilmaamay ciidan la mid ah Hangashtii Siyaad Barre (Akhriso)

Caydiid Ali

Maamulka Somaliland oo qaaday talaabo kale oo ka dhan ah Idaacada BBC-da

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo soo bandhigtay sarkaal ka tirsan Daacish oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---