Waxaad moodaa in marka la hadlaayo dagaalada sokeeya ee Geeska Afrika gaar Soomaaliya uu ka duwan yahay kuwo ka dhacey Afrikada inteeda kale oo horey uga sii gudbeen laakiin Soomaaliya weli fursadaas ma ay helin suaasha meesha taal ayaa ah maxaa u sabab ah baa la dhihi karaa. Maaha mid lagusoo koobi karo maqaal yar qeexida arimaha ku gudban geedi socodka nabada Soomaaliya waxaase la dhihi karaa cadaalad daro jirta awgeed maxaa yeeley Cadaaladu waa furaha nabada . markaan kasoo gudbo mida guud ee Dalka waxaan si gaar ah uga hadleynaa amni daro baahsan oo ka jirta Caasimada Dalka waa Muqdisho e.
Waxaa caadi ka noqotey in Magaalo madaxdii Dalka uu saameyn gaar ah ku yeeshey amni darada waxaana eeda dusha ka saaran tahay Dowlada maanta ka arimasa Dalka.
Maamulka magaalada u magaaban ku iimaan doorasho ama sharci waa mid nin jecleys ku yimid mar hadii maqaam u gaar ah lahayn Gobalka .
Magaaladu waa ay kala xiran tahay xitaa waxaa adag in meelaha qaar lagu maro lugta shacabka ku nool waa kuwa dhibanayaal ah misana eeda dhibtaas qeyb bey ka yihiin
Isku duubni iyo wada shaqeyn bey rabtaa in la helo xasilooni waase goormaa ? waa markii si sharci ah uu ku yimaado maamulka Gobalka iyo Gudoomiyaasha Degmooyin ilaa heer waax.
Waxaa looga baahan yahay bulshada qeybahaeeda kala duwan ha ahaado siyaasiyiinta,xilibaanada,cuqaasha iyo ururada bulshada Rayidka ah in si toos ah u wajaheen sida ugu fudud oo looga mira dhalin karo xaalada amni ee Muqdisho looma baahna shirar iska soo horjeeda ama kuwo ku saleysan laab lakac waa iney meesha ka marneyn wadaniyadnimo
Waxaad moodaa in mujtamaca loo nisbeeyo Maqaamka magaaladan in mabda,a ku mideysneyn waxaana asal u ah cadaalad daro dhexdooda ay sameynaayan, musuqa oo iska ah wax caadi ka ah agtooda laakiin waxaa hubinta ah hadii ay ka doodaan oo ay mideeyaan danta guud la isaga tanasulo tan gaar wey najaxaysaa yididiilada guud hadaba waxaan qoraalkeygan gaaban kusoo gaabinaya Muqdisho amniga u diidan waa cadaalad daro iyo dano is diidan waxa jirta maahmaah oraneysa (Sac qofkii lahaa seynta uga fadhiyo ma kacdo).
Â
Qore: Okash Sugow
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com