Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan ka hadlay Sababta ay maanta u tageen magaalada Kismaayo

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland oo dhawaan la filayo in doorashooyin ka dhacaan.

Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ujeedka ay Kismaayo u tageen ay tahay in ay goobjoog ka ahaadaan  doorashada hey’adaha dastuuriga ah ee Jubaland.

”Ujeedka aan u tagay Kismaayo ayaa ah in In hey’adaha Dastuuriga ah ee dawlad federaalku gaar ahaan hey’adda sharcidejintu oo aan ka tirsanahay ay goobjoog ka ahaadaan doorashada hey’adaha dastuuriga ah ee Jubaland, waxaan u kuurgaleynaa habsami u socodka hanaanka iyo Geedi-socodka doorashada Jubaland ka dhacaysa maalmaha nagu soo fool leh.” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi,

Xildhibaanadan maanta tagay magaalada Kismaayo ayaa u badan Xildhibaano siyaasad ahaan mucaarad ku ah Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna Xildhibaanada garab istaag u muujinayaan Axmed Madoobe oo doorashada la filayo in uu kusoo baxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Wareysigii Cali Mahdi oo si weyn loo hadal hayo & Axmed Madoobe oo loo dhigay dabin

Caydiid Ali

(Akhriso) Shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta tartanka doorashada Madaxweynaha

Caydiid Ali

Daawo:-Muqdisho oo dhibaato Xogan Waajaheyso maalmahaan & fashilka maamulka Gobolka Banaadri !!

admin
Taboola Ads ---