Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Darajooyin iyo Shahaado Sharaf la gudoonsiiyay Saraakiil katirsan Ciidanka Ahlu Sunna (Daawo Sawirada)

Madaxa xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay Saraakiil katirsam ciidanka Ahlu Sunna oo fashiliyay qarax lala damacsanaa munaasabad ka dhaceysay magaalada Guriceel.

Saraakiishan qaarkood ayaa lagu abaal mariyay darajooyin ciidan halka kuwa kalana la siiyay abaal marino ay biskoolado ku jireen, waxaana saraakiishan la sheegay in ay fashiliyeen qarax ismiidaamin ah.

Madaxa xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir  ayaa sheegay in saraakiishaan ay mudan yihiin bilad geesinimo iyo abaal marino qaali ah, waxa uuna xusay in ay dhiigooda u hureen bad baadinta madaxdooda iyo shacabka .

Saraakiisha darajooyinka iyo abaal marinta la siiyay ayaa waxaa isugu jireen saraakiil katirsan ciidanka Nabad sugida Ahlu Sunna iyo sidoo kale ciidamo kamid ahaa ilaalada Sheekh Maxamed Shaakir.

Ciidamo katirsan kooxda Ahlu Sunna ayaa 23-dii bishii May ee Sanadkan fashiliyay nin la sheegay in uu doonayay in uu isku qarxiyo munaasabad ka socotay Guriceel oo ay goob joog ka ahaayeen Sheekh Shaakir iyo masuuliyiin kale oo katirsan Kooxda Ahlu Sunna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nabadeyntii laga dhex waday Galmudug & kooxda hubeysan ee Ahlusuna oo fashilantay

Caydiid Ali

Guddi baaritaan oo heer sare ah oo loo saaray Wariye caan ah oo lagu dilay Kenya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo tagay xarunta cusub ee loo dhisayo Xukuumadda (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---