Allbanaadir.com
NEWS

Nin lacag badan kala baxsaday dad doonayay in ay soo xajiyaan sanadkan

Booliiska dalka Kenya ayaa baadi goob ugu jira nin lacag badan kala baxsaday dad doonayay in ay sanadkan soo xajiyaan, ninkan ayaana dad badan lacag ka aruursaday kadibna ka dhuuntay.

Golaha Culimada Islaamka ee dalka Kenya ayaa si kulul u cambaareeyay qiyaanada uu sameeyay nin la sheegay in wakaalad socdaal ku lahaa xaafadda Soomaalidu ku badan tahay Islii ee Magaalada Nairobi.

Afhayeenka Culimada Golaha Islaamka Kenya ayaa sheegay nin lagu magacaabo Nuur Xasan Cabdi uu 30 qof  ka ururiyay lacagtii ay ku xajin lahaayeen kadibna la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Booliiska dalka Kenya ayaa hada baadi goob ugu jira ninkan oo la sheegay in uu la baxsaday lacag gaareysa 120-kun oo dollar, waxaana dadkii uu lacagta kala baxsaday dacwad geeyeen saldhigyada booliiska.

Ibraahim Maxamed oo kamid ah dadka lacagta laga qaatay ayaa sheegay in Ninkaasi uu gurigiisa ugu yimid una sheegay in uu heysto wakaalad diiwaangashan oo xujeyda u fududeysa soo saaridda Baasaboorrada iyo daabulidda Xajka laakiin markii uu aaaminay lacagtiina u dhiibay uu waayay.

Golaha Culimada Islaamka ee dalka Kenya ayaa falka ninkan ku qiyaanay dadka doonayay in ay soo xajiyaan ku tilmaamay mid aad looga naxo, waxa ayna shaaciyeen in ninkaasi aragti xun ka bixinayo dadka islaamka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa kasoo baxay kulan ay maanta yeesheen Michael Keating iyo Madaxweyne Gaas ?

Cabdi Cade

Cabsi lasoo daristay Ciyaal Weerada Muqdisho iyo kooxaha Maan-dooriyaha ka ganacsada

Cabdi Cade

Dal aan Muslim aheyn oo Maalmaha labada ciidood ee Islaamka u aqoonsaday fasax Qaran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---