Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Baarlamaanka iyo waxyaabaha laga filan karo

Waxaa la filayaa in maanta oo arbaco kulan xasaasi ah xarunta Golaha Shacabka ku yeeshaan Xildhibaanada fikir ahaan iska soo horjeeda eeĀ  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka maanta yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa noqonaya sida Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka shaaciyay ka doodista Mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Waxaa sidoo kale Gudoomiyaha Mooshinka ka yaalo ee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari dhankiisa iclaamiyay kulan maanta yeelanayaan Xildhibaanada ugana doodi doonaan darbiga Kenya ka dhiseyso Balad Xaawo.

Kulanka maanta ayaa la filayaa in ay kasoo qeyb galaan Xildhibaanada labada garab u kala qeybsan, waxaana wali la ogeyn in kulanka uu imaan doono Gudoomiyaha mooshinka uu ka yaalo ee Jawaari.

Kulanka Baarlamaanka ayaaĀ  laga cabsi qabaa in Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo kuxigeenkiisa 1aad Muudey isku qabsadaan cida shir gudoomineysa Xildhibaanada labada garab u kala jabsan maadaama labada ninba shirar kala ajando ah ay iclaamiyeen.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in kulanka Baarlamaanka foodo ka bilaabaanĀ Xildhibaanada taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo tiradooda lagu sheegay ku dhawaad 50-XildhibaanĀ si mooshinka aan looga doodin.

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorsheenaya in isla maantaba in kalsoonida kala noqdaan Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana suurto gal ah in qaab gacan taag ah Jawaari lagu rido.

Kulanka BaarlamaankaĀ  ayaa ah mid xamaasad gaar ah leh oo wax waliba laga filan karo, waxaana la adkeeyay amaanka xarunta Baarlamaanka oo la geeyay ciidamo badan oo xaqiijinaya amaanka, waxaana la xiray wadooyin badan oo kuyaala Muqdisho.

Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sababay in ay kala qeyb samaan Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaa sidoo kale mooshinkan ku kala qeybsamay Gudoonka Baarlamaanka.

Gudoomiye Jawaari oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna cadeeyay in waxii dhibaato ah ee maanta ka dhaca kulanka Baarlamaanka in Madaxweynaha masuuliyadeeda uu qaadi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Akhriso) Tirada ciidanka, gaadiidka iyo hubka NISA ku wareejisay Booliska oo la helay

Caydiid Ali

AMISOM oo ku dhawaaqday howlgal cusub & Al-Shabaab oo War cusub soo saartay

Caydiid Ali

Ā Raā€™iisul wasaare Cabdalla Xamduuk oo goordhaw ka bad baaday Weerar lagu dili rabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---