Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Deni oo kormeer kedis ah ku tegay qaar ka mid ah heyadaha Maamulkiisa (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey qaar ka mid ah Wasaradaha Dowladda ee ku yaalla caasimadda Garoowe, kuwaasi oo kala ah Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa daaranaa korjoogtaynta hawlaha shaqo ee ka socda xafiisyada Wasaaradahaasi ee u adeegaya shacabka Puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta, waxaana uu mid mid u galay xafiisyada, isagoo ka xog-waraystay shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaaradda hawl-maalmeedkooda shaqo.

Intaasi kadib Madaxweynuhu waxa uu kulan gaar ah la Qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cadiraxmaan Dhabanacad, Wasiir Ku-xigeenada Wasaaraddaasi Cabdiweli Mire Xirsi iyo Maxamed Musadaq Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cali Nuur Jubba.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Wasaaraddaasi Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan), Wasiir Ku-xigeenka Maxamed Bashiir Cabdullaahi iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaraddaasi. Madaxweynuhu waxa uu kormeeray dhismaha cusub ee ay yeelandoonto Wasaaraddu iyo xafiisyada Waaxaha Wasaaradda oo dhammaantood ku guda jira hawlahooda shaqo.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhammaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha labada Wasaaradood ee uu maanta kormeeray ku booriyey inay sii laba-jibaaraan shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia oo ka jawaabtay cabashada ka soo yeertay Kenya

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Wasiir Cawad oo kulamo kula yeeshay Magaalada New York dhigiisa dalalka..

Caydiid Ali

Wasaarada Caafimaadka Somalia oo shaacisay dad ka bogsaday COVID-19 & kiisas cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---