Allbanaadir.com
NEWS

Wasiiro katirsan Xukuumada Somalia oo sawir hadal heyn dhaliyay la galay Muuse Biixi (Sawirro)

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa magaalada Mina ee Boqortooyada Sacuudiga ay u joogaan gudashada Axwaasha Xajka waxa ay isku arkeen Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi iyo Wasiiro katirsan maamulkiisa.

Sheeko iyo kaftan dhax martay kadib Wasiirada Xukuumada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa markii dambe waxa ay galeen sawir hadal heyn badan dhaliyay oo lasoo galiyay baraha bulshada.

Sawirada ay galeen Wasiirada Xukuumada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ay wehliyana Wasiiro ayaa laga dhax arkayay Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo dhoola cadeenaya halka Muuse Biixi iyo Wasiiradiisa aysan dhoolo cadeyn ka muuqan.

Wasiirada Muusi Biixi is arkeen ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda  Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan, Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud.

Related posts

Hadal uu jeediyay Madaxweyne Gaas oo caro badan dhaliyay iyo Jawaabo laga bixiyay!!!

Cabdi Cade

Villa Soomaaliya oo diyaarisay halkii la dejin lahaa Xildhibaanada Farmaajo taageersan ee la doortay

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo hal arrin uga mahad celisay Boqortoyada Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---