Allbanaadir.com
NEWS

Toogasho ka dhacday agagaarka xarunta Shirkadda Youtube ee gobolka California (Daawo Sawirro)

Tacshiirad xoogan ayaa lagu soo warramayaa in laga maqlay meel u dhaw xarunta dhexe ee shirkadda YouTube oo ku taalla Magaalada San Bruno gobolka California ee wadanka Mareykanka.

Gawaarida gurmadka degdega ah lagu fidiyo ayaa gaaray goobta halka booliskuna ay dadka rayidka ah uga digeen inay ka fogaadaan aaggaasi.

Shirkadda Google oo iska leh YouTube ayaa sheegtay inay baarayso rasaas la sheegay in aaggaasi laga maqlay.

Qaar ka mid ah shaqaalaha YouTube ayaa sheegay inuu jiro qof halkaasi toogasho ka wado, warar qaar ayaa sheegaya in qofka toogashada wada ay tahay haweeney xiran ookiyaale madow

Todd Sherman oo ka mid shaqaalaha shirkadda YouTube ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in dadkii ku sugnaa dhismaha ay ka argagaxeen rasaasta ay maqleen.

Booliska oo halkaas gaaray ayaa daad gureeyey qaar ka mid ahaa shaqaalihii xaruntaas, waxaana socda howlgal.

Ugu yaraan shan qof oo dhaawac ah ayaa la gaarsiiyey isbitaalka an Francisco sida ay sheegeen Booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo Dal oo wada qorshe Ciidamo Soomaali ah lagu geenayo Liibiya si ay uga dagaal galaan

Cabdi Cade

Dhimashada Dhulgariirkii Turkiga oo dhaaftay 1,500 iyo Wararkii u dambeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo tagay Goobtii saakay lagu dagaalay ee Dayniile (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---