Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahino ka soo baxaya dil caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa caawa degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir waxay ku dileen Nin oday ahaa oo ka tirsanaa dadka degaanka.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafada Showriga oo ka tirsan degmada Dharkenley, waxaana dadka degaanku ay ninka la dilay magaciisa ku sheegeen Maxamed Cali C/llaahi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ka mid ahaa argadii wax ka soo dooratay Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.

Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, ka hor inta aysan halkaas gaarin ciidamada amaanka oo haatan baadi goon ugu jira.

Dilalka qaarajinta ah ayaa habeenadii ugu dambeeyey joogto ka ahaa Magaalada Muqdisho, Xalay ayeyna aheyd markii degmada Heliwaa lagu dilay ka tirsaneyd shaqaalaha nadaafada, iyadoo habeenkii ka horeeyeyna lagu dilay degmada Xamar-weyne gudoomiyihii waaxda kacaan ee degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Kenya iyo Britain oo u heshiiyay kooxda Al Shabaab iyo Xogta heshiiskaasi

Cabdi Cade

Goobaha halista ah ay Israa’iil ka weerari karto Iran oo la ogaaday

Cabdi Cade

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo ku bur burtay garoonka Diyaaradaha Xudur

Cabdi Cade
Taboola Ads ---