Allbanaadir.com
NEWS

Khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibanadaii taageersanaa qaarkood

Iyadoo xiisada ka dhex taagan Baarlamanka Somalia ay meel adag mareyso, saacad kastana ay weji cusub yeelaneyso ayaa warar lagu kalsoon yahay oo caawa soo baxay waxay sheegayaan in khilaaf cusub uu ka dhex dilaacay Gudoomiye Jawaari iyo qaar ka mid ahaa xildhibaanadii taageersanaa

Khilaafkan ayaa dhashay ka dib shirkii jaraa’id ee uu maanta qabtay gudoomiye Jawaari oo sheegay inuu ku gacan seyray dalab loo soo jeediyay oo ahaa inuu is casilo.

Jawaari ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu qeyb ka yahay khilaafka, qaadi doonana Masuuliyadda haddii ay fowdo dhacdo.

Eedeynta uu Jawaari u jeediyey Madaxweynaha ayaa waxaa si xooggan uga carooday xildhibaano ka mid ah kuwii isaga taageersanaa.

Xildhibaanadan ayaa ku dooday in eedeynta loo jeediyey Madaxweynaha ay tahay mid lagu fududaaday oo fashil ku ah dedaalkii ay ku doonayeen iney ku badbaadiyaan gudoomiye Jawaari.

Sidoo kale, Xildhibaanadan ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu isgeliyey go’doon Siyaasadeed maadaama ay horey isaga horjeedeen Raisul Wasaaraha, haatana uu eedeeyey Madaxweynaha, waxayna xuseen in hadalka Jawaari uu baabi’iyey rajo kasta oo laga qabay inuu xilka sii hayo.

Dadka u falan-qeeya Siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya in eedeynta Guddoomiye Jawaari u jeediyey Madaxweynaha ay hubaal ka dhigtay inuu meesha ka baxayo maadaama ay dhamaatay kalsoonidii ka dhexeysay isaga iyo labada Masuul ee ugu sareeya dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Al-Shabaab oo 24 saac gudahood xukuno toogasho ah ku fulisay dadkii ugu badnaa

Caydiid Ali

Dagaal saacado badan ka socda Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka

Cabdi Cade

Hoggaamiyaha Xamaas oo ka hadlay dilka ciidamada Israel u geysteen caruurtiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---