Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo Masuuliyiin ka tirsan dowlada kula tukaday Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carafo ku tukaday Masjidka Shuhadada Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iscaawiyaan si farxadda ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka cadawga qawleysatada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya dilkii Muqdisho loogu geystay Jen. Yuusuf Cali Khasaaye (Cagey)

Caydiid Ali

Somalia oo loogu deeqay $143 milyan oo dollar iyo DF oo War ka soo saartay

Caydiid Ali

Madasha xisbiyada Qaran oo digniin ka soo saartay Xaalada uu ku sugan yahay dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---