Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo shacab fara badan salaadii ciida kula tukaday Masjidka Isbaheysiga (Sawirro)

Iyadoo maanta magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka si weyn looga ciiday munaasabadda Ciidaul Fitriga ayaa madaxda Qaranka waxaa ay boqolaal dadweyne ah Salaadda Ciida kula oogeen Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.

Raiisul wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Khayre, madax kale oo ka tirsan Dowladda, xubnaha golayaasha kaladuwan ee dowladda ayaa si wadajir ah boqolaal dadweyne ah ugala dukaday salaadda Ciida Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.

Madaxdan ayaa shacabka Soomaaliyeed dhamaantood ugu hambalyeeyey dabaal dega munaasabadda ciidul fitriga, maadaama ay guteen waajibaadkii alle uu saaray, isla markaana waxay u rajeeyeen umadda Soomaaliyeed in ilaahay uu dhibta ka saaro.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isna saraakiil iyo ciidamo ka tirsan xooga dalka kula tukaday xarunta wasaarada gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Aqalka sare oo la horgeeyey xeer cusub oo bilow u ah qorshe muddo kororsi

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada oo ansixiyey heshiisyo lala galay sadex dal

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo si weyn loogu soo dhoweeyey Adis ababa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---