Allbanaadir.com
NEWS

Qarax miino oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay isgoyska dan-wadaagaha oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxan oo loo adeegsaday Miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa waxaa lala eegtay gaari uu watay Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wadajir.

Goob-joogayal ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay markii uu halkaasi ka gudbay gaariga Guddoomiye ku-xigeenka, waxaana ku dhaawacmay askari oo ka mid ah ilaaladiisa.

Ciidamada ayaa riday rasaas fara badan oo ay kaga jawaabeen qaraxa dhacay inkastoo aysan geysan wax khasaare ah.

Saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in Guddoomiye ku-xigeenka aanay wax khasaare ka soo gaarin qaraxan, balse muraayada hore ee gaarigiisa ay jabtay.

Ciidamada ammanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, halkaasoo ay ka wadaan Howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo, laguna daba galayo kooxihii ka dambeeyay qaraxan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo mid kamid ah Dowladaha Islaamka ku eedeeyay been iyo Khiyaano

admin

Daawo Sawiro laga soo qaaday Madaafiic maanta ku dhacday xarunta Xalane

Cabdi Cade

Boqortooyada Sacuudiga oo taageero 400 oo milyan oo dollar u ballanqaaday Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---