Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad badan oo ku dhintay Qarax booyad oo ka dhacay Tanzaniya (Daawo Sawirada)

Wararka ka imaanaya dalka Tanzaaniya ayaa sheegaya in booyad shidaan waday ay ku qaraxday deegaanka Msamvu Itigi ee gobolka Morogo, waxaana shilkaasi ka dhashay khasaaro aad u badan.

Inta la xaqiijiyay 57-qof ayaa ku dhintay booyada qaraxday, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo badan, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogyahay uu kasii bato.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay gadoontay Booyad shidaal siday, taasi oo ay ku yaaceen dad badan oo isku dayay inay shidaalka booyada ka daatay ay dhaansadan, hase yeeshee dab ka dhashay booyada ayaa gubay in in badan oo ka mid ah dadkii halkaasi ku sugnaa.

Taliyaha booliska gobolka Morogoro, ee dalka Tanzaaniya ayaa sheegay in meydad badan ka daad gureeyeen goobta shilku ka dhacay, waxa uuna xusay in ka cabsi qabaan in khasaaraha dhimasho inta hada la ogyahay kasii bataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiro xil ka qaadis lagu sameeyey iyo kuwo cusub oo la Magabaacay (Magacyada)

Caydiid Ali

Booliska DF oo ka hadlay Video argagax leh oo baraha bulshada lagu baahiyey

Caydiid Ali

Gudoomiye Dileyte oo codsi hor dhigay dhigiisa Cabdi Xaashi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---