Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo Dhuusomareeb iyo cabsi soo korortay

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi saacadihii lasoo dhaafay laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo ay wadaan ciidanka Ahlu Sunna.

Sida aan wararka ku helnay qaar kamid ah ciidamadii Ahlu Sunna ee la qarameeyay ayaa kasoo baxay xeryihii la geeyay, waxa ayna ciidankan oo ku hubeesan gaadiid dagaal iyo hub kale dib ugu soo laabteen magaalada Dhuusomareeb.

Dadka ku dhaqan Dhuusomareeb ayaa ku waramaya in ciidamadan oo abaabul wada lagu arkayo xaafado katirsan magaalada , waxaana dadka lasoo darsay cabsi ay ka qabaan in ciidamadan arbushaad iyo dagaal magaalada ka kiciyaan.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay doonayaan in ay la wareegaan garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb oo amaankiisa la wareegeen ciidamada Danab ee ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya.

Dhaq dhaaqyadan ciidan ayaa imaanaya xili uu dhawaan qoraal uu soo saaray Sheekh Shaakir uu walaac uga muujiyay heshiiskii ay la galeen dowlada federaalka, isagoona xusay in ciidamo cusub magaalada dowlada keentay ayna balamo uga baxday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kursigii Fahad Yaasiin iyo kuraastii kale ee la hakiyay oo dib loogu laabanayo doorashadooda

Cabdi Cade

Gaas & Xaaf oo ku biiray madaxda dowlad goboleedyada ee gaaray Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---