Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xaaf oo ka hadlay cida uu ka shaqeyn waayey mudadii uu Madaxda ka ahaa Galmudug

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Ducaale Geele Xaaf  ayaa muddo kadib waxa uu ka hadlay xaalada Dowlad Goboledka Galmudug iyo isbedelada ka socda.

Waxaa uu sheegay in uu ka shaqayn waayay dad Galmudug kasoo jeeda kuwaasoo buu yiri curyaamiyay horumarka iyo dawladnimada Galmudug labadii sano ee uu madaxweynaha ka ahaa Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa sheegay in uu ka taanasulay xilkii uu ka hayay maamulkaasi cidii la keenana uu la shaqeyn doono.

Waxa uu Xaaf sidoo kale bulshada reer Galmudug ugu baaqay in ay ka tashadaan aayahooda iyo cidii hogaamin lahayd isla markaana ay la shaqeeyaan madaxdooda.

Maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay iyadoo dhinaca kale uu khilaaf ka taagan yahay halkii lagu qaban lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa kuma Dhaxal-sugihii Al-Shabaab ee Duqeynta diyaaradeed laga dilay ?

Cabdi Cade

Lisa Filipetto oo booqasho Sagootin ah ugu tagtay Ra’isul Wasaare Xamse Barre (Sawirro)

Cabdi Cade

Haween iyaga oo timo qaawan socday oo Caano garoor madaxa looga shubay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---