Dowlada Soomaaliya ayaa natiijo hordhac ah ka soo saartay baaritaanka qaraxii ka dhacay 24 bishii hore xarunta dowlada hoose ee Xamar kaasoo galaaftay nolosha masuuluyiin uu ka mid ahaa gudoomiyihii gobolka Banaadir marxuum Eng. Yariisow.
War-saxaafadeed hordhac ah oo wasaarada aamniga ka soo saartay baaritaanka ayaa sidan u qornaa:-
Ugu horayn, Dowladda Soomaliyeed waxay tacsi u diraysa intii ku dhimatay, sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajaynaysa intii ku dhaawacantay falki foosha xumaa ee ka dhacday Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar.
Dowladda Soomaliya ayaa cadaynaysa falkaasi in uu ahaa dhibato loogeestay Shacabka Soomaliyeed.
Baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen Hay’adaha Amniga ayaa lagu ogaaday in ay is qarxisay ruux nafteed haligto ah oo Dumar ah; kana shaqaynaysay Dowlada Hoose ee Xamar, ayadoo kaalmo ka heleysay ruux kale oo Dumar ah oo ku qornaa kaaliye, shaqaalana ka ahayd Xaruunta Dowladda Hoose.
Labada gabdhood ayaa baaritaanku cadeeyey in aan la dhameystirin hubintii loo baahnaay markii la shaqaaleysiinaayay.
Sida lagu ogaaday baaritaanka, labada gabdhood ayaa fasaxyo isku dhow oo Bil gudeheeda ah wada qaatay, iyadoo xogta qaar ay tilmaamtay in ay tageen goobo ay maamulaan Argagixisada.
Nafteed haligtaha ayaa si qaldan ugu tagri fashay caadifaddii ay u hayeen madaxda iyo dadka ay la shaqeynaysay, maadaama ay ka mid aheyd dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Uga dambeen, waxaan Bulshada Soomaliyeed la wadaagaynaa mar labaad in falkaas Argagixiso ee ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose loo soo qab qabtay dad lagu tuhunsanyahay in ay ku lug yeelan karaan falkaas, lana hor gaynayo Hay’adaha Garsoorka ee ku shaqada leh .
DHAMAAD
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com