Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan muhiim ah ku yeeshay qeybaha kala duwan ee ganacsatada Suuqa Bakaaraha, kulanka ayaana looga arinsanayay caqabadaha ka taagan Suuqa sida nadaafada , amaanka iyo xirnaashaha wadooyinka Suuqa soo gala.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay warar soo baxayay oo sheegaya in Ganacsatada Suuqa kor looga keenayo hogaan aysan iyagu dooran sidoo kale aan kamid aheyn ganacsatada qeybaha kala duwan ee Suuqa Bakaaraha.
Cismaan Khaliif Abtidoon oo kamid ah Gudoomiyaasha Qeybaha Suuqa Bakaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha uu ka jiro hogaan ay isku raacsan yihiin dhamaan ganacsatada Suuqa .
Ganacsadahan ayaa sheegay in aan la magacaabi Karin hogaanka Suuqa Bakaaraha balse uu ku imaan karo doorashada qeybaha kala duwan ee Suuqa ka kooban yahay, waxa uuna tilmaamay in ganacsato iyagu xushaan ruuxa hogaaminaya ayna ku aaminayaan masiirkooda .
Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Maxamed Sheekh oo katirsan qeybta dhismaha ee Suuqa Bakaaraha ayaa isna sheegay in ganacsatada Suuqa Bakaaraha yihiin kuwa isku xiran oo maamul leh, waxa uuna ka digay in qof la magaacbo aysan ganacsato raali ka aheyn lagu qasbo
Ganacsade Xuseen Warsheekh oo isna ka hadlay kulanka g ayaa ugu baaqay in Ganacsatada Suuqa ay mid ahaadaan si aan faragalin loogu sameyn, waxa uuna ugu baaqay in dadka doonaya in ay faragalin ku sameeyaan hogaanka ganacsatada Suuqa in ay ka laabtaan qorshahooda guracan
Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif   oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha uu ka kooban yahay 7-qeyb ayna qeyb walbo soo doorato hogaankeeda, waxa uuna xusay in qof walbo oo hogaanka kamid noqonaya laga doonayo shuruudo dhowr ah in uu soo buuxiyo.
Waxa uu sidoo kale sheegay Gudoomiyaha in hogaanka ganacsatada Suuqa Bakaaraha uusan aheyn mid ay Rugta Ganacsiga ay soo magacawdo balse ku yimaadaan rabitaanka ganacsatada qeybaheeda kala duwan ee Suuqa Bakaaraha ku ganacsada.
Dhamaan ganacsatadii kulanka ka hadlay ayaa si wadajir uga digay in Suuqa Bakaaraha loo soo magacaabo dad aysan raali ka aheyn ganacsatada, waxa ayna sheegeen in ganacsatu yihiin kuwa iyagu xaq u leh in ay ka tashadaan aayahooda ayna hogaanka u dhiibtaan cidii ay iyagu doortaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com