Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada Ciidamada cusub ee la wareegay Degmada Owdheegley

Ciidamo cusub oo katirsan kumaandooska Soomaaliya ayaa dhawaan la wareegay degmada Owdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna ciidamada qorsheenayaan in ay la wareegaanaan deegaano kale oo gacanta Al Shabaab ku jira.

Ciidamada kumaandooska ee la wareegay Degmada Owdheegle ayaa ah ciidamadii ay tababareen Turkiga, ciidamadan ayaana la siiyay tababar heer sareeya sidoo kale waxa ay ku hubeesan yihiin hub casri ah.

Sawirro laga soo qaaday ayaa muujinaya ciidamadan oo dhufeesyo ka sameestay difaacna uga jira qeybo kamid ah degmada Owdheegle, waxa ayna ciidankan u howlgalaan koox koox isku xiran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Suxufiyad ka hawlgasha telefishin oo sabab yaab leh shaqada looga joojiyey

Caydiid Ali

Aqalka Cad oo shaaciyay in Qorshe Halis ah oo Ruushka ka damacsan yahay Dagaalka Ukraine

Cabdi Cade

Heshiis is-afgarad iyo wadashaqaynta dhax martay W/Caddaaladda KGS iyo Barnaamijka Balaarinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---