Allbanaadir.com
NEWS

Dagaa culus oo dhax maray ciidamada Kumaandooska iyo Dagaalyahada Al Shabaab

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan AL Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday fariisimo ay ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab ka sameesteen degmada Owdheegle  gobolka Shabeelaha Hoose .

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in xalay maqlayeen jugta hubka culus iyo rasas ay labada dhinac is dhaafsanayeen, walina si rasmi ah looma oga khasaaraha dagaalkan kasoo gaaray labada dhinac iyo waliba dadka shacabka ah.

Saraakiil katirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerar xalay Al Shabaab kusoo qaadeen fariisimo ay ka sameesteen degmada Owdheegle ay dhawaan kala wareegeen Al Shabaab.

Waxa ay sheegeen saraakiisha Danab in dagaalka xalay ka dhacay Degmada Owdheegle in Al Shabaab kaga dileen afar dagaalyahan sidoo kale kaga dhaawaceen shan kale, waxa ayna xuseen in weerarka Al Shabaab fashiliyeem.

Ciidamada Danab ayaa isbuucan weerar ay ku qaadeen degmada Owdheegle kala wareegeen kooxda Al Shabaab oo sanado badan gacanta ku heysay degmadaasi, waxa ayna ciidamada Danab horey ula wareegeen deegaanka Bariire.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xuska Munaasabada Maalinta 15-ka May oo caawa lagu qabtay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xisbullah oo in ka badan 60-Gantaal ku duqeeysay saldhig laga hago hawada Israa’iil

Cabdi Cade

Jeneraal Caan ah oo kahor yimid rabitaanka Madaxweyne Deni iyo Xiisad ka taagan Garawe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---