Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Tirada Musharaxiinta isku diiwaan geliyey doorashada Jubbaland oo la shaaciyey

Guddiga Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in uu soo gabagaboobey waqtigii loogu tala galay in ay odayaasha dhaqanku ku soo xulaan Saddexda Qof ee laga dhex dooran doono Shakhsiga ka mid noqonaya Baarlamaanka Labaad ee dowlad goobleedka Jubbaland.

Xamse Cabdi Barre oo ah guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in odaayaashu ay xiligii loogu talo galay ku soo dhameystireen shaqadooda.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in musharaxiinta isku diiwaangeliyey doorashada madaxweynaha Jubbaland oo markii hore ahaa 9 ay hadda noqdeen todoba ka dib markii labo ka mid ah ay ka laabteen musharaxnimada.

Musharaxiinta ayuu ugu baaqay iney ilaaliyaan anashaxa iyo waxyaabaha wax u dhimaya amniga guud iyo habsami u qabsoomida doorashada, isagoo xusay in warbaahinta Jubbaland ay si siman uga jeedin karaan barnaamijkooda siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Lafta Gareen oo qaaday talaabo shaki ku abuurtay Villa Soomaaliya

Cabdi Cade

Darawal Bajaajle ahaa oo lagu dilay Muqddisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Dagaal xoogan oo ka socda xaafado katirsan magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---