Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlad dalkeeda ka mamnuuceysa Qoraallada Carbeed ee muujinaya Astaan Islaam

Saraakiisha dowladda Shiinaha ee caasimadda Beijing ayaa faray dukaamada iyo maqaayadaha iibiya cunnooyinka xalaasha ah inay tirtiraan qoraallada afka Carabiga ku qoran ee la xiriira dhaqanka Islaamka, sida laga soo xigtay Reuters.

“Kani waa dhaqan shisheeye oo kahor imaanaya midka Shiineeska ah,” ayuu yiri mid kamid ah milkiilayaasha maqaayadaha la faray inay raacaan amarka.

Isaga oo la hadlaya wakaaladda Reuters, ninkani wuxuu sheegay in saraakiisha ay u yimaadeen si ay uga marag kacaan dhaqan-gelinta sharciga ay kusoo rogeen.

“Waxay i amreen inaan tiro ereyga Xalal kuna beddelo mid Shiinees ah,” ayuu yiri.

Cadaadiska dowladdu ku heyso Muslimiinta Shiinaha wuxuu soo bilowday sanadkii 20160-ka.

Masaajidda iyo goobaha kale ee muujinaya shacaa’irta Islaamiga ayaa sidoo kale loo dan leeyahay in la tirtiro sida in aadaanka salaadda kor loo qaado. Waxaana kol hore Muslimiinta la faray inay qasab ku iibiyaan qamriga, sigaarka iyo wixii lamid ah.

Bisha Ramadaan ayaa sidoo kale waxaa lagu armaa inaysan xirin goobaha laga cunneeyo oo ay furnaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cudur la garan waayey oo dad ka badan boqol qof ku laayey dal ka tirsan qaarada Afrika

Caydiid Ali

Mataanayaal wacdaro ka dhigay natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland

Caydiid Ali

Xildhibaano ku dhaawacmay Qarax ismiidaamin ah & Qoorqoor oo ka badbaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---