Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Danab oo goor dhow Al-Shabaab kala Wareegay degmada Aw-Dheegle

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaa goor dhow si buuxda ula wareegay degmada Ow-dheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose oo ay gacanta ku hayeen muddo sanado ah kooxda Al-Shabaab sida ay goor dhow shaacisay dowlada Somalia.

Wakaalada Wararka u faafisa dowlada Somalia ee SONNA ayaa ku warantay in Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegtay in ciidamadu  ay isku fidiyeen dhammaan qaybaha kala duwan ee degmadaan xaaladuna ay tahay mid degan.

Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka xoogga wali ay sii baacsanayaan xoogagii Al-shabaab ee ay kala wareegeen Aw-dheegle, ayna ku sii wajahan yihiin deegaano kale oo wali ay joogaan Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay dagaal kooban kula wareegeen degmada Aw-dheegle ka dib markii xoogaga Al-shabaab ay sameeyeen iska caabin aan sidaa u weyneyn.

Degmada Aw-dheegle oo illaa 74km u jirta Muqdisho ayaa ka mid aheyd degaanadii ay Al-Shabaab dib ula wareegeen, ka dib howlgaladii Sanadihii 2012 iyo 2013 ciidamada xoogga dalka iyo kuwii AMISOM ku qabsadeen  inta badan gobolka Sh/Hoose.

Ciidamada kumandoska Somalia iyo kuwa Maraykanka ayaa sanadkii 2016 weerar xoog leh ku qabsaday degmada Aw-dheegle balse ayaa Al-shabaab ayaa muddo yar ka dib degmadaas dib u qabsaday, iyagoo maamulayey ilaa maanta oo mar kale gacantooda laga bixiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh: “Qorshaha dowladu waa in shan bilood lagu soo afjaro argagaxisada”

Caydiid Ali

Dhaqdhaqaaqyo ciidan & xiisad caawa laga dareemay qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali

Sidee Dhuusamareeb ugu diyaar garowday soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---