Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Murusade oo Xoolo badan geysay Hoyga ay taalo Gogosha Tacsida Duqii Muqdisho (Daawo Sawirada)

Xildhibaano,Waxgarad , Siyaasiyiinta, Aqoonyahano, Ganacsato, dhalinyarada iyo haween kasoo jeeda Beesha Murusade ayaa maanta si wadjir ah uga tacsiyadeeyay Geeridii ku ku timid Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow .

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo hogaaminayay Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta beesha Murusade ayaa maanta tacsi gudasho u tagay Hoyga Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo fidsan tahay gogosha tacsida Duqii Muqdisho.

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Duqii Muqdisho, waxa uuna sheegay Ugaaska in ka beel ahaan aad uga naxeen geeridii Eng Yariisow uu sheegay in uu ahaa halyey Qaranka Soomaaliyeed ka baxay.

Ugaaska ayaa 10-Neef oo geel ah, 20-neef oo ido ah iyo gaari buuxa oo raashin ah ku wareejiyay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo hoygiisa Muqdisho fidsan tahay gogosha tacsida Gudoomiyihii gobolka Banaadir.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Mudulood ayaa uga mahad celiyay walaalahooda beesha Murusade tacsi gudashada ay ugu yimaadeen iyo deeqda ay keeneen , waxa ayna sheegeen in garabka istaaga walaalahooda aysan ilaawi doonin.

Dhamaan siyaasiyiintii iyo Waxgaradkii ka hadlay munaasabada baroordiiqda iyo tacsida ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta taariikhda Eng Yariisow, waxa ayna tilmaameen in uu ahaa halyey umada Soomaaliyeed ka baxay oo la xasuusan doono.

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi iyo dhamaan dadkii kale ee munaasabada tacsida ka hadlay ayaa si wadajir ah ugu duceeyay Marxuum Eng Yraiisow, waxa ayna ilaah uga baryeen in dambigiisa dhaafo uguna bishaareeyo janadii Fardowso.

Beelaha Murusade iyo Mudulood ayaa leh xiriir soo jireen ah, waxaana xiriirka labada beel sii xoojiyay Labada Ugaas Dhalinyarada ah ee hogaamiyaha labada beel kuwaa oo ka shaqeeyay in labada beel isku gurmadaan xiriir dhawna yeeshaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo faahfaahintii ugu horeysay ka bixisay howlgalada ka socda Muqdisho

Caydiid Ali

Puntland oo digniin ka bixisay qorshe Somaliland ka damacsan tahay Sanaag

Caydiid Ali

Sidee Xassan Shiikh iyo Wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Asmara? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---